Kulan Lagaga Hadlayo Nuclear-ka Iran Oo Ka Furmay Vienna

Vienna, (HCTV) – Ergooyinka ka kala socda dalalka Awooda leh ee Britain, France, Germany, China, Russia Iyo Iran oo uu ka maqan yahay dalka Maraykanka ayaa kulan uga furmay magaalada Vienna ee caasimada dalka Austria, kaas oo lagaga hadlayo heshiiskii dhinaca Nuclearka ee ay dalalkani saxeexeen ee ay la galeen dalka Iran sanadkii 2015-kii.

Waxaanay Ergooyinnka ka kala socda dalalkani ay sheegeen in ujeedada kulankoodu ay tahay sidii ay u qiimayn lahaayeen isla markaana uu sidii ugu sii jiri lahaa heshiiskii dhinaca Nuclearka ahaa mid taariikhiya oo dalka Iran ka dajiyey culayska cunaqabataynta caalamiga ah, taas oo lagu beddelayo xannibaadaha ku saabsan barnaamijkeeda Nuclear-ka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.