Akhri: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dul-qaadka Xukuumaddiisa U Arka Doqoniimo

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Dilka Ciidammada Qaranka iyo Booliska ee Bilihii u dambeeyay ku soo noqnoqonayey Gobollada bariga Dalka, kaasi oo ay ugu dambeeyeen Dil Deegaanka Ceel Af-weyn loogu geystay laba Askari oo Boolis ah Toddobaadkan.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanay illaa hadda garanayn sababta labadaa Askari loo dilay, sababta Dadka Shacabka ahi ay ugu deg-degaan Dilalka Askarta.

Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Booliska lagu laayey Ceel Af-weyn, oo aan la garanayn sababta loo laayey, kuwa dhintay Allaah ha u naxariisto, kuwa dhaawaca ahna Allaah ha caafimaadiyo, Garan mayno waxa Ciidankaa lagu laayey, Wax Alaale iyo wax Ciidankaasi ay iskugu yimaaddaan oo Maanta la qiri karaa ma jirto, Saraakiishii hore ee jeelka ayaan iyadana la garanayn wax Alaale iyo wax loo laayey.”

Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeediyey Munaasibad ka dhacday Magaalada Hargeysa waxa kale oo uu sheegay “Waxa layaab leh in Cid ama reer uu Ciidanka Qaranka si dhibyar iskaga laayo, reerihiina ay laba Jilib kala baqdaan oo Ninku hadduu qolo yahay aan la taaban karin oo reerkooda laga baqanayo, hadduu Qaranka yahayna lagu soo deg-degayo oo bilaa macno lagu dilayaa wax dhici kara maaha. Haddaynu nidhi Xukuumaddu ha dul-qaadato, Dadka hala waaniyo, Gacan qabow ha lagu maamulo, Dul-qaadka iyo doqoniimadu waa walaalo, waxaad mooddaa in inta Qarankii uu Dul-qaadkii dhaafay uu imika doqonimadii ku jiro, oo Maalin walba Qarankii uu Meyd soo waadhsanayo (Qaadanayo) oo ay tahay Ninkii waa looma ooyaan, waxay ila tahay inay taasi soo afjarmayso, Caqli ka badana la keeno dhib yaraantaa Ciidammada Qaranka loo laynayo..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka