Nin Rasaas Oodda Kaga Qaaday Bandhig Ka Socday Maraykanka

USA (HCTV) – Illaa hadda inta la ogyahay 3 Qof ayaa ku dhintay, tiro intaa ka badana dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaadhay, ka dib markii Nin hubaysani uu rasaas ku furay bandhig dhinaca Cuntooyinka ah oo lagu qabtay Magaalo ka mid ah Gobolka California.

Ninka hubaysan ee rasaasta ku furay Goobta Cuntooyinka lagu soo bandhigayey ayaa la toogtay, laakiin Taliyaha Booliska ee Magaalada Gilroy ayaa ka digay in Ninka dambiga geystay ee la toogtay uu yeelan karo Dad hawshan kula jiray, sidaasi darteed la feejignaado.

Gilroy ayaa 50KM koonfur-galbeed ka xigta Caasimadda San Jose ee Gobolka California.

Muuqaal uu duubay Telefiishanka NBC  ayaa muujinaya  Dadka oo yaacaya, xilli shanqadha rasaasta la maqlayo.

Goob-jooge Magaciisu yahay Julissa Contreras ayaa sheegay in Ninka Dadka laayey uu ku qiyaasay da’da 30 jirka isla-markaana qori boobe ah oo uu sitay uu si daran-dooriya ugu riday.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay shacabka Mareykanka inay is dejiyaan isla-markaana ay feejignaadaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka