Brazil: 57 Maxbuus Oo Ku Dhintay Isku Dhac Laba Kooxood Ku Dhexmaray Xabsiga Dhexdiisa

Para, (HCTV) – Ugu yaraan 57 maxaabiis ah ayaa lagu dilay isku dhac dhexmaray maxaabiistaasi ku xidhan xabsi ay ku xidhan yihiin maxaabiista loo haysto dambiyada abaabulan ee kooxaha ku dhisan, sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan xabsigaasi.

Maamulka Xabsiga Altamira ayaa sheegay in dagaalkaasi xabsiga ku dhexmaray maxaabiistaasi ay ku dhinteen 16 qof halka tirada kale ee dhimatay ay ku neefqabatoobeen markii qaybo ka mid ah dhismahaasi uu dab ka kacay.

Waxaanu sheegay Madaxa xabsigaasi oo magaciisa la yidhaa Jarbas Vasconcelos in dagaalkani uu ka bilaabmay isku dhaca laba kooxood maxaabiis ah oo la kala yidhaahdo the Rio de Janeiro iyo koox kale oo la yidhaa Comando Classe A, kuwaas oo ku dagaalamay xiligii maxaabiistaasi ay u dareereen quraacda todobadii subaxnimo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.