Diyaarad Milatari Oo Ay Leedahay Pakistan Oo Ku Burburtay Guryo La Degan Yahay

Rawalpindi, (HCTV) – Diyaarad dagaal oo ay leedahay dalka Pakistan oo ku jirtay duulimaad tababar ayaa ku dul burburtay guryo ku yaalay magaalada Rawalpindi, waxaana shilkaasi diyaaradeed ku dhintay ugu yaraan 17 qof, oo intooda badani ay dhulka ku sugnaayeen.

Waxaanu khasaaraha ugu badan uu soo gaadhay guryo uu dab ka kacay oo ku yaala xaafada Mora-Kalu oo ka tirsan gobolka Rawalpindi kadib markii diyaaradu ay ku soo dul-dhacday.

Ciidamada bileyska ayaa iyagu gurmad ka galay markii shilkaasi dhacay waxaanay baadhayaan sababtii shilkaasi dhalisay kadib markii ay soo afjareen hawlgalkii gurmadka.

Shan askari oo ay ku jiraan laba duuliye oo milatariga ka tirsan iyo ugu yaraan 12 qof oo shicib ah ayaa ku dhintay shilkaasi, sida ay sheegeen milatariga oo iyagu war-saxaafadeed ay ku faahfaahinayaan shilkaasi ka soo saaray.

Farooq Butt, oo ah sarkaal ka tirsan waaxda adeega degdega ah ayaa sheegay in tirada dhaawaca shilkaasi sababay ay gaadhayso 15 qof.

Waxaanay waaxda gurmadku ay intaasi ku dartay in dhimashada ay sii kordhisay kadib markii dadkii dhaawacmay qaar ka mid ah oo xaalad culus ku jiray ay u geeriyoodeen dhaawicii soo gaadhay.

“Dhamaan kuwii dhintay iyo kuwii dhaawacmayba waxa aanu gaynay cusbitaalka, inta badana dadka waxyeeladu ka soo gaadhay shilkaasi diyaaradu sababtay ayaa ahaa dhaawacyo gubasho, waxaana dadka dhaawacyadu soo gaadheen ka mid ahaa caruur,” ayuu yidhi mid ka mid ah shaqaalaha gurmadka degdega ah oo uu waramay Wakaalada Wararka ee AFP.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.