FBI Maraykanka Oo Xidhay Laba Qof Oo Doonayey Inay Ku Biiraan Daacish

Tucson, (HCTV) – Hay’adda FBI-da dalka Maraykanaka ayaa laba nin ka xidhay Madaarka Tucson kadib markii la ogaaday inay doonayaan inay ku biiraan kooxda la baxday dawlada Islaamka.

Waaxdan baadhista dambiyada u qaabilsan dawlada Maraykanka in Axmed Moxamed and Cabdi Xussein lagu xidhay madaarka July 26 iyo waxaanay labadooduba sheegeen in qof wakiil ah ay kala xidhiidheen kooxda Daacisho.

Waxaana hay’adda FBI-du ay sheegtay in Axmed Maxamed uu kala xidhiidhay baraha bulshada qof magaciisa qarinayey oo u shaqaynayey kooxda Daacisho sanadkii 2018-kii. Waxaanu sidoo kale xidhiidhkaasi ogaatay hay’adda FBI-da oo iyaduna xidhiidh noocaas oo kale ah la samaysay labada wiil si ay u ogaato qorshahood ku biirista kooxda daacisho bishii December.

Sidoo kale hay’adda FBI-du waxa ay sheegtay in labadan nin ay markii u horaysay ay iibsadeen tigidhada si ay safar ugu baxaan dalka Masar waxaana la xidhay markii la ogaaday duulimaadkooda oo ay ka gudbeen qaybta amaanka.

Axamed Maxamed iyo Cabdi Cuseen ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Somalia waxaanay dalka Maraykanka ku soo galeen qoxoonti ahaan, waxaana Axmed Maxamed oo ogolaaday sharciga degenaanshaha dalka Maraykanka wax yar uun ka hor markii la xidhay, sida ay sheegtay hay’adda FBI-du.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.