Wariyeyaal Ka Tirsan Telefishanka Eryal Oo Hargeysa Lagu Xidhay

Hargeysa, (HCTV) – Waryeyaal ay ka mid yihiin Badri Kozar, Cabdiraxmaan Fantastic, Caydaruus Maxamed iyo Kamaal Cabdi ayaa lagu xidhay magaalada Hargeysa.

Xadhiga Wariyeyaashan ayaa la qabtay xili ay ku sugnaayeen Hotel Grand Haadi oo uu ka socday Imtixaan shaqo oo laga qaadayey dhalinyarada Barnaamijka shaqo qaran , halkaas oo buuq ka dhashay oo qaar ka mid ah ardayda shaqo qaran ay cabasho sameeyeen.

Waxaana ciidamadu markii ay qabteen Wariyeyaashaasi ay u kaxeeyeen dhinaca saldhiga Bileyska ee Degmada Ibraahim Koodbuur, waxaana la xaqiijiyey in markii la qabanayey suxufiyiintan oo dhamaantoodba ka tirsan Telefishanka Eryal ay ku gudo jireen shaqada maalinlaha ah oo ay u joogeen hotel-kaasi.

Sidoo kale ilaa iyo hada ma jiro cid bileyska ka tirsan oo ka hadashay sababta keentay xadhigooda iyo ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oon isaguna wali ka hadal dhacdadan lagu xidhay wariyeyaasha Eryal TV.

Waxii war ah ee ka soo kordhana xadhiga suxufiyiintan kala soco qaybaha Warbaahinta ee HCTV.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.