Afar Dhallinyaro Ah Oo Ka Mid Ahaa Barnaamijka Shaqo-Qaran Oo La Eryey (Akhri Sababta)

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa Eriday Afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa barnaamijka shaqo-qaran, kuwaas oo shalay warbaahinta la hadlay iyagoo ka cabanaya in Dad aan ka ku jirin Barnaamijka shaqo-Qaran ay Imtixaan u galeen Shaqo u soo baxday dhallinyaradaasi.

Agaasimaha barnaamijka Shaqo-qaran ee Somaliland Maxamed Xuseen (Mu’addinka) oo Maanta HCTV la hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradani Warbaahinta la hadashay ay khalkhal geliyeen imtixaankii Shalay laga qaaday ardayda barnaamijka shaqo qaran ee la doonayo inay u shaqeeyaan Shirkadda laga leeyahay Shiinaha oo mashruuc Shidaal sifayn ah ka fulin doonta Somaliland.

Dhallinyarada la eryey ayaa ka kooban Saddex wiil iyo Gabadh), waxayna Shalay Warbaahinta uga warrameen Waxyaabaha ay ka cabanayaan.

La Soco Warkan oo faahfaahsan

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka