Dawladda Imaaraadka Oo Taageeraya dedaallada Lagu sugayo Marin-biyoodka Hormuz

Dubai (HCTV) – Dawladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ayaa taageeraysa qorshaha amniga iyo Xasiloonida Marin-biyoodka Hormuz lagu sugayo, sida uu sheegay Wasiiru-dawlaha Arrimaha dibedda ee Imaaraadka, Dr. Dr Anwar Gargash Arbacada Maanta.

Masuuliyiin ka socda Dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Waddamo kale oo Yurub ah ayaa ku kulmaya Dalka Bahrain si ay uga wada-hadlaan amniga Gobolka iyo amaanka gaadiidka badda.

“Imaaraadku wuxuu la shaqaynayaa Dedaallo lagu sugayo Amniga marin-biyoodka Hormuz..” ayuu yidhi, Wasiiru-dawle Qargaash.

Waddamadan ayaa ka hadlaya xogaha la xidhiidha Ciidamo Suga Amniga Maraakiibta ka gudbaya Marin-biyoodka Hormuz, ka dib markii Weerarro dhowr ah lagu qaaday Maraakiib shidaal, weerarradaas oo lagu eedeyay IRAN, sida uu ku warramay Wargeyska The Guardian.

Qorshaha ah in laga fikiro in Ciidamo loo sameeyo Marinka Hormuz ayaa yimid, laba toddobaad ka dib, markii Dawladda IRAN qabsatay Markab laga leeyahay UK oo magaciisu yahay Stena Impero.

Markabka Ingiriiska ayaa waxa saaran shaqaale dhan 23 illaa 19-kii Bishan Dabayaaqada ah ee July, 2019.

Tallaabada Tehran ayaa timid, markii Ciidammada Uk ay meel ay u dhow Gibraltar ku qabsadeen Markab IRAN leedahay, kaasi oo looga shakiyey inuu Shidaal u siday Suuriya oo ay saaran tahay Cunaqabayn uu Midowga Yurub ku soo rogay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka