Kuuriyada Waqooyi Oo Toddobaad Gudihii Mar Labaad Tijaabay Gantaallo

North Korea (HCTV) – Dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa Arbacada Maanta mar kale tijaabisay Gantaallaheeda, muddo ka yar toddobaad gudihii.

Gantaalaha ay tijaabisay oo ah nooca Riddada gaaban ayaa ku dhacay Xeebta Japan.

War laga soo xigtay Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegaya in Gantaalahani ay socdeen 250KM, markii dambana ku dhaceen Biyaha badda Japan.

Wasiirka gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed Jeong Kyeong waxaa uu sheegay in gantaalladan ay ka duwan yihiin kuwii ay hore u tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.

Laakiin, Raysal-wasaaraha Japan oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Gantaalaha ku dhacay badda dalkiisu aanay wax saamayn ah ku yeelanin Amniga Dalkiisa.

Tijaabada Gantaalahan ayaa imanaya muddo kooban ka dib, Wada-hadallo ay yeesheen Madaxweynaha Maraykanka iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka