“Waxa Shalay Soo Baxay Sawirka Dhabta Ah Ee Somaliland Maanta Ka Jira..” WADDANI

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Warar sheegaya in la musuqmaasuqay 400 Shaqaale ah oo Shirkad Shiinaha laga leeyahay doonaysay inay ka qaadato Dhallinyarada shaqo-Qaran ee Somaliland.

Dhallinyarada Shaqo-Qaran ee soo dalbaday shaqada Shirkadda Shiinayska ahi doonaysay inay shaqaalaha u qaadato, ayaa Imtixaan u fadhiistay Jaamacadda Hargeysa, laakiin waxa la sheegay in dhallinyaro aan shaqo-Qaran ku jirin iyagana Imtixaan lagaga qaaday Huteel ku yaalla Hargeysa, taasina waxay keentay Dhallinyarada shaqo-Qaran qaarkood Warbaahinta la hadlaan oo ay arrintaa cabasho ka muujiyaan isla-markaana sheegaan in la musuqmaasuqay.

Haddaba, Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI, Maxamed Sidiiq Dhamme oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Xukuumaddu musuqmaasuqday Mashruucaasi, waxaanu yidhi “Mashruuca shaqo-Qaran oo aanu Xisbi ahaan u arkaynay Hal-abuur muhiim u ahaa Qaranka, runtiina aanu soo dhaweynay, dhallinyaradana aanu u arkaynay inuu faa’iido u yahay oo dhallinyaradu i ididiilato inay dalkooda shaqo ka heli karaan, wuxuu ku dambeeyay Fool-xumo weyn iyo fadeexad, waxaanu ahaa Mashruuca keliya ee Xukuumaddaa laba jirsatay ku faani karaysay muddadaa ay joogtay Talada Qaranka.”

Mr. Dhamme oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Dhallinyaradii loo carbiyey, ballan-qaadku wuxuu ahaa 400 ee Kaalmood ee Shirkaddu qaadaneysay inay dhallinyarada shaqao-Qaran noqonayaan cidda keliyaata ee ka qayb-galaya, iyadoo oo uu sidaa Madaxweynuhu ballan-qaaday, Cidda shaqadaa xeraysatayna ay dhallinyaradaa ahaayeen, nasiib-darro waxa Shalay soo baxay Sawirka dhabta ah ee Somaliland Maanta ka jira iyo nidaamka Cadaaladeed ee xukuumadda Kulmiye kiu hoggaaminayso Somaliland, 400 dhallinyarada ahaa waxa la qaatay 300 oo ka mid ah, halka boqol kalena ay Xukuumaddu ka soo qoratay Madaxtooyada, markaa Xukuumadda u Caddaalad samayn kari wayday 400 dhallinyaro ahi, siday ugu Caddaalad samayn kartaa 4 Milyan oo reer Somaliland ah…”? ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka