Boqorka Bahrain Oo Diiday Raysal Wasaaraha Israel Oo Ka Codsaday Inuu La Kulmo

Manama, (HCTV) – Boqorka dalka Bahrain Hamad bin Isa Al-Khalifa ayaa siiday codsi uga yimid Raysal Wasaaraha dalka Israel Benjamin Netanyahu oo ka codsaday inuu boqorka kula kulmo caasimada dalka Bahrain ee Manama, sida ay ku waramayaan warbaahinta carabtu.

Waxaana boqorka dalka Bahrain uu jawaab uga dhigay codsiga uga yimid natanyaahu in aan la gaadhin ama aanu taahnayn wakhtigii ay kulmi lahaayeen.

Ilo wareedo, ka gaabsaday in magacooda la sheego ayaa tilmaamay in dhawaan markii Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Natanyahu uu u diray Bahrain Ergay gaar ah oo ay wehelinayeen saraakiil dhinaca amaanka ah ay ku wargaliyeen in wakhti xaadirkan saraakiisha Bahrain ay xaalad amaan ay la soo daristay dalka Bahrain.

Waxaana markii ay weftiga Ergaygaasi ay gaadheen dalka Bahrain ee ay  caasimada Manama kulan kula yeesheen boqortooyada ay miiska soo dhigeen qorshaha ah in Boqor Hamad uu soo dhaweeyo Netanyahu marka la gaadho bishan August si ay labada dhinac uga wadahadlaan danahooda oo ay ka mid tahay amaanku.

Warkuna waxa uu intaa ku darayaa in Netanyahu uu arkay inay dani ugu jirto kulankaasi oo balaadhin doona damaha uu ku doonayo inuu galangal u yeesho dalalka gacanka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.