Calanka Soomaaliya Oo Saddex Maalmood Hoos Loo Dhigayo

Muqdisho (HCTV) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Shacabka ka Tacsiyadeeyay Geerida ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Yariisoow).

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo wuxuu amray Laamaha Dawladda ee ay khusayso inay calanka hoos loo dhoogu geerida ku timid Duqii Magaalada Muqdisho, kaasi oo u Geeriyooday dhaawac loo geeyay Cisbitaal ku yaalla Dalka Qadar.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow) oo goor dhaw ku geeriyooday dalka Qatar.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow), Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii magaalada Muqdisho. Marxuumku waxa uu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmaynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo ka soo qayb qaatay dedaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya xilliyo kala duwan.

Waxaa lagu xasuusan doonaa sidii hagar la’aanta ahayd ee uu ugu khidmeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo dadaalkii uu geliyay horumarka magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka argagaxisada oo uu ka qaatay dowr muuqda.

Madaxweynaha ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda inta lagu jiro baroordiiqda Guddoomiyaha oo soconaysa muddo 3 cisho ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu hoygiisa ka yeelo Jannada Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka