Ebola Oo Ku Faafaya Congo Iyo Ruwanda Oo Xidhay Xuduudka Ay La Wadaagto

Congo (HCTV) – Qofkii saddexaad ee lagu arko Xanuunka dilaaga ah ee Ebola ayaa lagu arkay Dalka Congo, gaar ahaan Magaalada Goma.

Xanuunkan oo Sannad ka hor halkaa ka dillaacay, isla-markaana dilay Dad ka badan kun Qof, ayaa sannad dhibaatadiisa laga nastay ka dib, wuxuu dib uga dillaacay Congo, waxaana Hay’aduhu sheegayaan in Qofkii saddexaad ee Calaamadaha Xanuunkaasi lagu arkay uu ku sugan Magaalada Goma, arrintaasi oo wer-werkeeda leh.

In Qof saddexaad oo qaba xanuunka Ebola lagu arkay Goma, waxa la xaqiijiyey Khamiista Maanta.

Masuuliyiinta Congo ayaa sheegay in Qofka saddexaad ee hadda u Xanuunsanaya Cudurka Ebola ay gabadhiisa oo hal Sano jir ahayd u geeriyootay Xanuunka Ebola Arbacadii Shalay.

“Waxa jira Qof saddexaad oo la xaqiijiyey inuu Xanuunkani hayo, waa Bukaankii Arbacadii u Geeriyooday Xanuunka Inantiisii..” ayuu yidhi, Aruna Abedi oo ah Maamulaha Kooxda la dagaalanka Ebola ee Gobolka North Kivu, halkaas oo ah halka Goma ku taallo, sida ay soo tebisay Wakaaladda Wararka ee dpa oo HCTV soo xigtay.

Dhinaca kale, Ruwanda oo ay xuduud leeyihiin Congo ayaa xidhay xuduudkeeda, si ay uga hor-tagto inay u soo gudbaan Dad qaba xanuunka Ebola.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka