Maraykanka Oo Cunaqabatayn Ku Soo Rogay Wasiirka Arimaha Dibada Iran

Washington, (HCTV) – Dawlada Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay Wasiirka Arimaha Dibada dalka Iran Mohammad Javad Zarif, waxaanay talaabadani ay muujinaysaa inay cadaadis ku sii kordhiso ololaha ka dhanka ah Iran.

Waxaana waaxda maaliyada ee dalka Maraykanku ay sheegtay in ay cunaqabatayntan cusub ay ku soo rogtay Zarif oo isagu ah gacan yaraha hogaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei.

“Javad Zarif waxa uu yahay mid loo adeegsado ajandayaasha hogaamiyaha Ruuxiga ah, waana afhayeenka taliska ee aduunka,” sidaasi waxa yidhi Xoghayaha Maaliyada dalka Maraykanka Steven Mnuchin.

Hase yeeshee Wasiirka Arimaha dibada Iran oo ka jawaabay hadalka ka soo yeedhay dalka Maraykanka ayaa qoraal uu kaga jawaabay oo uu soo dhigay Twitterka ku sheegay in talaabadan maraykanku ay tilmaamayso in isaga ay u aragto Washington mid khatar ku ah.

Waxaanu tilmaamay Wasiirka arimaha dibada Iran in talaabadani aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin isaga iyo qoyskiisa toona, maadaama oo wax hanti ahi iyo dano kaleba aanay ka oolin meel dibada ka ah Iran.

Waxa isa soo taraysa xiisada u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran tan iyo intii Madaxweynaha dalka Maraykanku uu ka baxay heshiiskii dhinaca Nuclear-ka ee lala galay dalka Iran, kuna soo rogay cunaqabatayno dhaqaale oo xaalada gacanka cirka ku sii shareeray.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.