Yemen: Xuutiyiinta Oo Dilay 30 Millateriga Dawladda Yemen Ah

Yemen (HCTV) – Kooxda Taageerada ka hesha IRAN ee Xuutiyiinta ayaa sheegatay Masuuliyadda  Weerar loo adeegsaday Madaafiic oo lagu qaaday Saldhig Ciidammada Dawladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ku leeyihiin Duleedka Cadan, taasi oo ay xilligaa ku soo bandhigayeen Gaardis, khamiista Maanta.

Weerarka ayaa lala beegsaday Xerada Millateri ee Magaceedu yahay Al Jalaa oo Galbeedka Magaalada Cadan ah, halkaana waxa ku dhintay ugu yaraan 30 Askari oo Millateriga Dawladda Yemen ah, sida ay Wargeyska The National u sheegeen Saraakiisha Millateriga Yemen.

Xerada waxa ku jiray Ciidamo ay taageeraan Xulafada Sucuudigu, waxayna Matalaan Dawladda Beesha Caalamku aqoonsan tahay ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Abdurabu Mansur Hadi.

Telefiishanka Xuutiyiinta ee Al Masirah TV ayaa sheegay in Weerarka ay xuutiyiintu u adeegsadeen diyaarad Drone ah iyo Gantaal.

Telefiishanku wuxuu sheegay in Diyaaradda Weerarka loo adeegsaday Magaceedu yahay Qasef-2K, laakiin Millateriga Yemen ayaa xogtooda weerarka ku soo koobay in loo adeegsaday Gantaal keliya.

Saraakiisha lagu dilay Weerarkaasi ayaa waxa ka mid ah Brigadier General Munir Mahmoud Al Yafaei, kaasi oo caan ku ah Magaca Abu Al Yamamah.

Dawladda Yemen ayaa Cambaaraysay Weerarka.

Weerarkan waxa ka sii horreeyay Qof isa soo miidaayey ayaa ku qarxay Saldhig Boolis oo ku yaalla Xaafadda Sheikh Othman oo jaar la ah Cadan, halkaana waxa ku dhintay saddex Askari oo Boolis ah, waxaana ku dhaawacmay 20 kale oo qaarkood Rayid yihiin, dhakhaatiirtu waxay sheegayaan inay dhimshadu intaa ka badan karto.

Weerarkan labaad Cidna ma sheegan Masuuliyaddiisa.

Wasiirka xuquuqda Aadamaha ee Dawladda Yemen, Mohamed Askar oo ka hadlay Weerarkan ayaa Ergayga qaramada Midoobay ugu baaqay inuu cambaareeyo Weerarradan oo uu ku sheegay kuwo dhaawici kara Dedaallada Qaramada Midoobay ee dhinaca nabadda.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka