Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Lagu Weeraray Deegaanka Cali Saahir

Burco, (HCTV) – Wararka ka imanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in deegaanka Cali Saahid oo ka tirsan gobolka Togdheer lagu weeraray badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi.

Badhasaabka Gobolka Togdheer ayaan ilaa iyo hadda la garayn sababta loo weeraray, hase yeeshee waxa ay wararku intaasi ku darayaan in rasaas badani ay ku dhacday gaadhiga uu saarnaa badhasaabku, isla markaana aanu wax ku noqo badhasaabku iyo masuuliyiinta kale ee la socday.

Hadaba gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid oo la socday xiligii weerarku ku dhacay isaga iyo gudoomiyaha gobolka Togdheer oo HCTV uu khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa waxa uu yidhi “Waxaa lagu weeraray saaka rasaas, anigu waan la socday gudoomiyaha, aniga iyo taliyaha qaybtuba, meel magaalada ah oo la yar samaynayo oo buuq yari ka taagnaa ayuu is yidhi gudoomiyuhu soo eeg iyo taliyaha qaybtu saaka.

Waa meel ka isku yar hayo oo magaalada ka yara fog oo buuq yari ka taagnaa oo la deegaamaynayo.” Ayuu yidhi gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid.

Sidoo kale mar HCTV waydiiyey sababta ay maamul ahaan u diidan yihiin in dhulkaasi deegaan laga dhigo iyo khasaaraha soo gaadhay ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Waa dhul daaqsimeed sidaasi ayaanu u diidanahay in dhulkaasi la deegaameeyo, khasaaraha ayaa ah baabuurtii oo rasaasi nagaga dhacday oo aanu siganay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.