Madaxdhaqameedo Ka Soo Jeeda Somaliland Oo La Kulmay Col. Caarre

Ceerigaabo, (HCTV) – Madaxdhaqameedo ka soo jeeda gobolka Sanaag oo la sheegay inay waanwaan ka dhexwadaan xukuumada somaliland iyo jabhada uu hogaamiyo Col. Caarre ayaa kulan ku yeeshay duleedka gobolka Sanaag, sida uu ku soo waramayo Wariyaha HCTV uga soo warama gobolkaasi.

Madaxdhaqameedadan reer Somaliland ee waanwaanka ka dhexwada Xukuumada iyo jabhada Kornaylka ayaa waxa horkacaya Suldaanka Maxamed Xirsi Qani oo ka mid ah salaadiinta caanka ah ee Beeelaha Somaliland.

Waxaana maanta warbaahinta baraha bulshada lagu arkayey muuqaalada madaxdhaqameedkaasi iyo Kornayl Caare oo kulmaya.

Inkasta oo ilaa wakhti xaadirkan aan si dhab ah loo ogayn waxa ay isku afgarteen Salaadiinta iyo Kornaylku ayaa hadana waxa niyad sami balaadhan ku qabaha guud ahaan shacabka Somiland iyo kuwa ku dhaqan gobolka Sanaag oo iyagu aad usoo dhaweynaya waanwaantaasi ay odayaasha dhaqanku ay iskaga dabqaadayaan Xukuumada Somaliland iyo Jabhadda Kornayl Caarre.

Waxa la ogyahay in Ciidamada Milatariga Somaliland oo uu hore uga tirsanaa Kornayl Caarre iyo Jabhada uu samaystay ay dhawr jeer isku dhacyo uu ku dhexmaray gobolka Sanaag.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.