Mataano Ku Dhex Dhintay Gaadhi Uu Aabbahood Ku Iloobay

USA (HCTV) – Maxkamad ayaa la soo taagay Aabbo ay ka dhinteen laba Carruur ah oo Mataano ahaa, ka dib markii uu ku iloobay gaadhigiisa, xilli kulayl badan jiray.

Labada Carruur ah ayuu gaadhigiisa ku soo qaaday, laakiin markii uu Xafiiskiisa shaqada gaadhay ayuu Gaadhigii xidhay isagoon ka dejin Labadii Carruurta ahaa, halkaasi oo ay muddo saacado ah ku jireen ka dibna ay ku dhinteen, maaddaama oo kulaylna jiray, Daaqaduhuna u xidhnaayeen Carruurta.

Aabbahan oo 39 Jir ah ayaa Maxkamadda ka soo hor muuqday isagoo indhihiisa ay Ilmo ka qubanayso, xilli ay Maxkamadda buuxiyeen Qoyskiisa iyo Saaxiibbadii oo la murugaysan sida Mataanihiisii uu Jeclaa ugu Iloobay Gaadhiga isla-markaana ay ku Geeriyoodeen.

Juan Rodriguez ayaa ehelkiisu aamisan yihiin inuu sameeyay Khaladkii ugu weynaa noloshiisa, ka dib markii uu Xilli Xagaa lagu jiro isla-markaana Cimiladu kulushahay uu Kuraasta gaadhigiisa ku iloobay Carruurtiisii, sida uu sheegay Wargeyska The Indepedent oo HCTV soo xigtay.

Shilkan Naxdinta leh oo laba Jimce ka hor ka dhacay Magaalada New York ee Dalka Maraykanka ayaa waxa iyaduna ka hadashay Marissa Rodriguez oo ah Hooyada dhashay Labada Carruur ah ee Aabbahood ku iloobay gaadhiga kulul, waxayna sheegtay in Saygeedu uu Carruurtiisu jeclaa, laakiin Masiibada dhacday ku kaliyeynayn Ninkeeda.

Carruurta Geeriyooday ayaa da’doodu ahayd Hal sano jir, waxaana la sheegay in Cabbirka kulaylka gaadhigiisa gudihiisa ee sababay inay geeriyoodaan uu gaadhay 108 (Cabbirka kulaylka).

Qoraallo ay Maxkamaddu soo bandhigtay ayaa muujiyey in Ninka Carruurtiisa Gaadhiga ku iloobay uu ka mid ahaa Ciidamo mar uu Maraykanku geeyay bariga dhexe.

Ninkan ayaa ah kaptan ka mid ah Ilaalada Qaranka ee Magaalada New York.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka