Meydka Eng. Yariisoow Oo La Keenay Muqdisho

Muqdisho (HCTV) – Waxa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde goor dhawayd laga soo dejiyey Meydka Allaah ha naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Yariisoow) oo Qadar ugu Geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay Qarax Toddobaadkii hore ka dhacay Xafiiskii Muqdisho.

Meydka oo ay sidday diyaarad khaas ah oo ay leedahay Dawladda Qadar, ayaa waxa Madaarka Aadan Cadde sugayey Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, Raysal-wasaare Khayre iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan.

Allaah ha u naxariistee Marxuum Eng. Yariisoow, ayaa la filayaa in Meydkiisa lagu tukado isla-markaana isla Maanta lagu aaso Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

la Soco Warkan oo faahfaahsan

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka