Puntland: Gaadhi Uu Watay Wasiir Hore Oo Miino Kula Kacday Boosaaso

Boosaaso (HCTV) – Qarax ayaa ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari ee Puntland.

Qaraxan oo ka dhashay Miino la dhigay Jidka dhiniciisa ayaa ku qarxay Gaadhi uu watay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Iyo Maaliyadda ee Maamul-gobolleedka Puntland, Shire Xaaji Faarax

Shire Xaaji Faarax ayaa Xukuumaddii Madaxweyne Cabdiweli Gaas ka soo noqday Wasiirka Qorshaynta Iyo Maaliyadda.

Wararka ka imanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Hal Askari oo ilaalo u ahaa Shire Xaaji Faarax uu ku dhaawacmay Qaraxa Miinada.

Ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Weerarkan uu ka bedbaaday Shire Xaaji Faarax, balse Ciidammada Amniga Puntland oo halkaas gaadhay ayaa wada baadhitaano.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka