UK: Lix Qof Oo U Dhintay Daroogo Ay Isticmaaleen

HomeSomali News

UK: Lix Qof Oo U Dhintay Daroogo Ay Isticmaaleen

Shirka Qaahira Uga Furmay Dalalka Midawga Afrika Iyo Ajandayaasha La Soo Dhigay
Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Xarunta Tareenada Djibouti
Nin Tooray Ku Hubaysan Oo Dhaawacay Wasiir Amni
Madaxweynaha Somaliland Oo Digreeto Ku Aasaasay Sanaduuqa Horumarinta Dhalinyarada
Guddida Ka Hortagga Xanuunka COVID19 Ee Somaliland Oo Go’aamo Soo Saaray

UK (HCTV) – Lix Qof ayaa Dalka Ingiriiska ugu dhintay Daroogo Halis ah oo ay isticmaaleen, muddo laba Maalmood gudahood ah.

Dadka dhintay ayaa kala ah Saddex Rag ah iyo Saddex Dumar ah, kuwaasi oo dhammaantood ku noolaa Tuulooyin Ingiriiska mid ah oo jaar ah, kana mid ah Degmada Essex ee koonfur-bari Dalka Ingiriiska.

Dadka Dhintay oo looga shakiyey inay si isku mid ah u isticmaaleen daroogo aan weli Magaceeda la shaacin, balse Warbaahintu ku sheegtay inay tahay nooca halista ah.

Madaxda Caafimaadka Ingiriiska ayaa Dadweynaha ku waaniyey in aanay iibsan Daroogo, iyagoo ka cabsi qaba inay Geeri ku sababto Dadka isticmaala.

Laba Nin oo Da’dooda lagu kala sheegay 26 jir reer London ah iyo 29 jir reer Essex ayaa loo xidhay Kiiska dhimashada Lixda Qof.

Warbaahintu ma sheegin Magaca Daroogada ay lixda Qof isticmaaleen, balse waxay ku tilmaameen Daroojo Derajada (A) ah.

Maandooriyeyaasha Derajada (A) loo yaqaano waxa ka mid ah.

  1. Cocaine
  2. Crack Cocaine
  3. Ecstasy
  4. Heroin
  5. Lysergic Acid iyo kuwo kale oo badan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS