Amiirka Qatar Oo Wadahadal Dhinaca Telefoonka Ah La Yeeshay Madaxweynaha Faransiiska

Doha, (HCTV) – Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa tafaasiil ka bixiyey wadahadal ay dhinaca telefoonka ku yeesheen Madaxweynaha dalka Emmanuel Macaron, kaas oo sheegay inay ka wadahadleen xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga dhinaca horumarka iyo arimo kale.

“Labada dhianc waxa ay ka wadahadleen arimihii u dambeeyey ee gobolka iyo dhibaatooyinka ka taagan dalka Libya oo ay doonayaan inay iska kaashadaan sidii dedaalada nabada dib loogu soo celin lahaa dalka Libya la iskaga kaashan lahaa,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay boqortooyada dalka Qatar.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.