Liibiya: 42 Qof Oo Ku Dhintay Xaflad Aroos Oo Diyaaradi Duqaysay

Liibiya (HCTV) – Ugu yaraan 42 Qof ayaa ku dhintay Duqayn diyaarad Drone ahi ka geysatay Koonfur-galbeed dalka Liibiya.

Weerarkan waxa fuliyey Ciidammada Dawladda Liibiya ka soo horjeeda ee uu hoggaamiyo Gen Khalifa Haftar, sida laga soo xigtay Warbaahinta Maxaliga ahi.

Wararku waxay sheegayaan in Diyaaraddu ay duqaysay Kulan ka qabsoomayey Hool ku yaalla Magaalada Magaceedu yahay Murzuq, laakiin Ciidammada Gen Haftar waxay sheegeen inay Masuul ka yihiin Weerarka, balse waxay iska diideen ama beeniyeen inay beegsadeen Dad rayid ah.

Dalka Liibiya ayaa Dagaallo la deris noqday illaa sannadkii 2011-kii oo uu dhacay Hoggaamiyihii Muddada dheer dalkaa soo maamulayey ee Muammar Gaddafi

“42 Qof baa ku dhintay Duqaynta diyaaradda, in ka badan 60-na way ku dhaawacmeen, 60-ka dhaawaca ah 30 ka mid ah Xaaladdoodu way culus tahay, ka dib duqaynta Diyaaraddu ka geysatay Hool ay ku kulansanaayeen Dad ka badan 200 Qof..” ayuu AFP u sheegay  Ibrahim Omar.

Laakiin, Warbaahinta Maxaliga ah ayaa soo Werisay in Diyaaradda Drone-ka ahi duqaysay Goob ay ka socotay xaflad Aroos.

Dawladda Qaramada Midoobay taageerto ee Liibiya ayaa cambaaraysay Weerarka, waxayna ku eedaysay oo ay sheegtay inay Weerarkaa ka dambeeyaan Ciidammada General Haftar

Dawladda Liibiya ee fadhigeedu yahay Caasimadda Tripoli ayaa Qaramada Midoobay u soo jeedisay inay baadho dambiyada Ciidammada General Haftar ka geysteen Magaalada Murzuq.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka