Maxkamadda Ciidamada Somalia Oo Xukun Ku Riday Laba Dhalinyaro Ah

Muqdisho, (HCTV) – Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah waxa ay ku fulisay laba dhalinyaro ah, kuwaas oo ku eedaysnaa inay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, Sida ay ku soo warantay Wariyaha HCTV ee Magaalada Muqdisho.

Labadan dhalinyarta ah oo la kala yidhaa Cashuur Cismaan Abuukar iyo Maxamed Cali Barow ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab, waxaanay dhawaan ka soo muuqdeen muuqaal laga duubay oo ay ku qiranayeen dilal iyo weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Maxkamada Darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida iyo maxkamada sare ayaa hore ugu kala xukumay dil toogasho ah, waxaana saaka oo Isniin ah oo ku beegan shanta bisha August lagu fuliyey xukunkii dilka ahaa ee lagu xukumay.

Dhame, Muumin Xuseen Cabdulaahi oo ah ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxa uu yidhi “Taariikhdu markay ahayd 3-dii bishii 3aad 2019 waxay maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida u fadhiisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay eedaysane yaal, 1; Cashuur Cismaan Abuukar Cumar oo 23 jir ah, Maxamed Cali Boorow Aadan oo 25 jir ah.”

Labadan dhalinyarada ah ayaa ee maanta dilka toogashada ah lagu fuliyey ayaa weeraro tiro badan oo ay ka geysteen magaalada Muqdisho ee Somalia waxa ka mid ahaa gawaadhi ay saarnaayeen dad shacab ah oo ay weerar ku qaadeen.

Waxaanay dhalinyaradani ay qirteen dambiyadaasi lagu soo eedeeyey ee dilka ahaa inay gaysteen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.