Nin Idaacad Ka Maqlay War-gelinta Aaskiisa

Kenya (HCTV) – Nin da’diisu tahay 38 Jir ah oo la rumaysnaa inuu Geeriyooday, ayaa la kulmay Baroor-diiqdiisii oo lagu gudo jiro, ka dib markii uu bil ka dib ku soo laabtay Gurigii Waalidkii.

Mr Kennedy Olwa ayaa Guriga Waalidkii laga waayay 20 Sanadood ka hor, waxaana la aaminay inuu Geeriyooday, laakiin bil ka hor soo laabashadiisa ayuu la kulmay Baroor-diiqdiisii oo ka socota Gurigoodii oo ku yaalla  Tuulada Godmiaha oo ka mid ah Bariga Degmada Rachuonyo ee dalka Kenya.

Ninkan oo la waydiiyey halka uu ku maqnaa muddada intaasi leeg, ayaa sheegay inuu tagay Magaalo lagu Magacaabo Mbita, markaasi ka dibna uu halkaa ka noqnay Kalluumayste, markaasi ka dibna u wareegay Harada Lake Victoria, gaar ahaan maamul hoosaadka Rachuonyo.

Warka Geeridiisa

Sida laga soo xigtay Maamulaha deegaanka Ramba, Joseph Ndege waxa lagu war-geliyey qoyska Olwa in Wiilkoodii muddada labaatanka sanadood ah ka maqnaa uu u Geeriyooday Xanuun aan la garayn, taasina keentay inay rumaystaan “Qoysku wakhti isagamay lumin, markii waxay bilaabeen diyaarinta Baroor-diiqda, koox kalena waxa loo diray inay soo xaqiijiyaan in Qofka dhintay ee Boolisku qaaday uu Wiilkoodii yahay..” ayuu yidhi, Mr Ndege.

Waxaanu intaa ku daray inay in qoysku ay Barnaamijka Baroor-diiqda iyo aaska Wiilkooda ka shaaciyeen Idaacad Maxali ah, iyagoo sidoo kalena soo iibiyey cunto ay talo-galeen Dadka Baroor-diiqda imanaya.

Wuxuu Maqlay Ogaysiis

Si aan ku talo-gal ahayn, Mr. Olwa oo ah Ninka aaskiisa iyo Baroor-diiqdiisa la diyaarinayo ayaa xilligaa dhegaysanayey idaacadda Maxaliga ah, xilligaas oo uu dabcan ka kalluumaysanayey Xeebta deegaanka Alum.

Mr Olwa wuxuu dhegaystay idaacaddii Ogaysiiska Geeridiisa laga shaacinayey oo sheegaysa inuu u Geeriyooday xanuun aan la garanayn.

“Xubno ka mid ah eheladiisa (oo  ah kuwii loo diray inay soo xaqiijiyaan Geeridiisa) ayuu u soo diray inay guriga dib ugu noqdaan, si loo joojiyo aaska iyo Baroor-diiqda ay wadaan, Xaqiiqadana ugu caddeeyaan Dad kale..” ayuu yidhi, Mr Ndege.

Si kastaba ha ahaatee, Qaar ka mid ah Eheladiisu ma rumaysanin Warka dhankiisa ka yimid, waayo? warkiisana lama maqal muddo 20 sanadood ah oo uu Guriga ka maqnaa, sida uu ku warramay Wargeyska Daily Monitor oo uu Sheekadan ka soo xigtay HCTV.TV

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka