KABUL: 14 Qof Oo Ku Dhintay Qarax, 145 Kalena Way Ku Dhaawacmeen

Kabul (HCTV) – Qarax loo adeegsaday Gaadhi Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyey ee ka dhacay meel dibedda ka ah Saldhig Boolis oo ku yaalla Caasimadda Dalka Afhanistan ee Kabul.

Qaraxa ayaa dilay 14 Qof , waxaana ku dhaawacmay 145 Qof, kuwaasi oo u badan Dad Shacab ah oo haween iyo Carruur ka mid yihiin.

Qaraxan oo dhacay Xilliga la soo shaqo tago, ayaa waxa markiiba masuuliyaddiisa sheegatay Kooxda Daalibaan, waxaana la arkayey Uuro ama qiiq ka aloosmay halkii Qaraxu ka dhacay.

Daalibaan ayaa sheegtay in goobta ay weerarreen Dad Shaqaale ah lagu qorayey.

“Tiro badan oo Askar iyo Boolis ah ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay (Qaraxa)..” ayay Kooxda Daalibaan ku sheegtay War qoraal ah oo ay ka soo saartay Daalibaan.

Afhayeen u hadlay Wasiirka Arrimaha gudaha Afhanistan oo Magaciisu yahay Nasrat Rahimi ayaa sheegay in Gaadhigu qarxay markii uu soo istaagay goob Gaadiidka lagu baadho oo ku dhow Saldhigga Qaraxu agtiisa ka dhacay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka