Madaxweyne BIIXI Oo Baasaaboorka Somaliland Ugu Dhoofay MAKKA

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta u ambo-baxay Magaalada Barakaysan ee Makka, si uu halkaa ugu soo guto Waajibaadka Xajka.

Madaxweyne Biixi oo ay tahay markii koowaad ee uu Xajka tagayo inta uu hayo Xilka Madaxweyne-nimo ee Somaliland, ayaa waxa ku wehelinaya xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirrada, sida Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Arrimaha gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, Cabdirashiid Ducaale Qambi.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac oo Saxaafadda kula hadlay Goor dhawayd ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu Magaalada Baraysan ee Makka uu ugu safray Baasaaboorka Somaliland.

Afhayeenku wuxuu sheegay in marka Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta la socdaa soo dhamaystaan Acmaasha Xajka ay la kulmi doonaan qaar ka mid ah Madaxda Dawladda Boqortooyada Sucuudiga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka