Puntland (HCTV) – Dawladda Thailand ayaa Toddobaadkan ku dhawaaqday in 50 Muhaajiriin u dhashay Dalka Thailand lagu xidhay meel u dhow Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Maamul-gobolleedka Puntland.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Thailand oo Magaciisu yahay Busadee Santipitaks ayaa Arbacada Maanta sheegay in Madaxda Maamulka Puntland iyo kuwa dawladda Federaalka ay si aqbaleen codsi ay u dirtay Safaaradda Thailand ee Nairobi, taasi oo ahayd in 50-ka qof ee Puntland xidhay dib loogu soo celiyo dalkooda Thailand.
“Masuuliyiinta Maamul-gobolleedka Puntland waxay aqbaleen inay xoogsatadan reer Thailand dib u soo celiyaan, fududeeyaana soo celintooda..” ayuu yidhi, Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibedda Thailand.
Sida laga soo xigtay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda, 50-ka Qof oo dhammaan u dhashay Thailand ayaa ahaa Kalluumaysato, waxayna ka shaqaynayeen laba Doonyood oo Magacyadoodu kala yihiin, Marwan 1 and Marwan 2.
Sida ay baahisay Bankok Post Kalluumaysatadan oo ay u dhan yihiin Dhukumantiyadoodii ayaa Maalmaha soo socda Safarkooda dib u noqoshada ahi bilaabmi doonaa.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka