Baroor-diiq Loo Sameeyay 15 Dhallinyaro Itoobiyaan Ah Oo Tahriib Ku Dhintay

Itoobiya (HCTV) – Tuulo ku taalla Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa looga baroor-diiqay 15 dhallinyaro ah oo ku dhintay badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Dhallinyarada badda ku dhintay ee dalkooda Itoobiya ka Tahriibay ayaa dhammaantood ku jiray Dugsiga sare, waxayna degganaayaan deegaanka Endalgeda oo ay ku haysteen nolol wanaagsan, markii ay naftooda u dhiibeen Dadka Tahriibka ka shaqaysta, sida uu Warbaahinta u sheegay masuuliyiinta deegaanka Baroor-diiqda looga sameeyay.

Dhallinyarada Geeriyootay ayaa Magaaladooda ka Tahriibay iyagoo 19 Qof ah, balse waxa geeriyooday 15, halka Afar keliya ka bedbaadeen, sida Masuuliyiinta Itoobiya sheegayaan.

Bulshada  Irob oo ay ka soo jeedeen Dhallinyarada Geeriyooday ayaa Afarta bedbaaday u soo sheegeen in 15-ka Geeriyooday ay 9 Hablo yihiin, Lixna Wiilal.

15-ka dhallinyarada ah ayaa Geeriyooday iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan Badda, si ay u gaadhaan Dalalka Yurub, sida uu baahiyey Wargeyska Daily Nation oo HCTV soo xigtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka