“Soomaaliya Qof Aan Weligii Xafiis Dawladeed Soo Marin Ayaa Madaxa U Sarreeya Noqon Kara” Deni

Garoowe (HCTV) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa sheegay inay fududahay inuu Dawladda Federaalka Soomaaliya uu Madaxda ugu sarraysa ka noqdo Qof aan weligii Xafiis Dawladeed ka soo shaqaynin.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Garoowe oo lagu daah-furay Qorshaha Horumarinta Puntland ee 2020 illaa 2024-ka, ayaa sheegay inay aad u fududdahay in Dawladda dhexe ee Soomaaliya uu Madaxa ugu sarreeya noqdo Qof aan hore uga sii shaqaynin Xafiis Dawladeed.

Mudane Deni oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Ciladaha imika Dawladda dhexe ka soo baxaya waxa ka mid ah, ka warrama haddii Qof imika Jaamacad ka soo baxay lagu yidhaahdo Qof qalliin ku samee, sow khatar gelin maayo, Dawladda Soomaaliya imika in la iska yimaaddo aad bay u sahlanaatay, Qof aan weligii Xafiis Dawladeed soo marin ayaa Madaxa ugu sarreeya noqon kara, markuu noqdo wakhti ayay ka qaadanaysaa inuu fahmo habka Dawladnimadu u shaqaynayso.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaanu Cidna Mucaarad ku ahayn, balse uu Xaqiiqada sheegayo “Markaan sidaa leeyahay Cid ma mucaaradayno ee xaqiiqada ayaynu sheegaynaa..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka