Taliyaha Cusub Ee Ciidammada Maraykanka Ee Afrika Oo Booqday Soomaaliya

Muqdisho (HCTV) – Taliyaha cusub ee Ciidammada Maraykanka ka jooga ee Afrika ee loo yaqaano Africom, Stephen Townsend ayaa booqasho ku tagay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Stephen Townsend oo booqashadiisa aan la sii shaacin, ayaa kulamo la qaatay Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yamamoto iyo Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre.

Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee Africom, Stephen Townsend ayaa War ka soo baxay lagu sheegay inay Africom ka go’an tahay inay culays saaraan la dagaalanka kooxaha uu ugu yeedhay Argagixisada, taasina waxay Abuuraysaa ayuu yidhi ‘Horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo Soomaaliya gaadho.’

Warka ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in ujeeddada Maraykanka ee Soomaaliya tahay inuu ka caawiyo dhinac walba, gaar ahaan Horumarka iyo Gaashaandhigga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka