Dadka Degan Kashmir Oo Ka Qaybgalay Salaadii Jimcaha, Xili Bandoo Culusi Saaran Tahay

Kashmir, (HCTV) – Maamulka dalka Indian ayaa sheegay in dadka degan gobolka Kashmir ay ku tukan karaan meelaha u dhaw, sida salaada Jimce iyo Salaada Ciida oo ku soo fool leh, sida uu sheegay taliyaha gobolkaasi oo u waramay Wakaalada Wararka ee AFP.

“Dadka waxa loo ogolaaday inay ku tukadaan meelaha u dhaw, ma jirto cid arintaa cunaqabatayn laga saaray,” sidaasi waxa yidhi Dilbag Singh, Taliyaha Guud ee Bileyska Kashmir, waxaanu intaasi ku daray “Balse looma ogola inay dhaafaan meelaha u dhaw-dhaw,”.

Kashmir ayaa lagu soo rogay bandoo tan iyo maalintii Isniintii, waxaana wali maqan internet-ka iyo telefoonada, iyadoo la joojiyey dhamaan dhaqdhaqaaqayada kadib markii dawladdu ay laashay ismaamulkii gaarka ahaa ee gobolkaasi.

Dawladda India ayaa tobonaan kun oo ciidamo dheeraad ah u dirtay gobolkaasi si ay usii adkeeyaan bandooga.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.