Soomaaliya: Dawladda Oo Tallaabo Ka Qaadaysa Shirkado Dayacay Dad Ay Xajka Geeyeen

Muqdisho (HCTV) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay la xisaabtamayso Shirkadaha Magaalada Makka geeya Dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay soo gutaan waajibaadka Xajka, kuwaasi oo qaarkood lagu eedeeyay inay dayaceen Xujay ay Sannadkan halkaa geeyeen.

Dawladdu waxay sheegtay inay ka war hayso Shirkado dayacay Xujaajtii ay geeyeen Magaalada Makka, sidaasi darteedna ay la xisaabi doonaan, si loo saxo dhibaatada Xujaajta Soomaalidu kala kulmaan dhulka barakaysan marka y tagaan.

“Waxaan ogaanay in shirkadaha qaarkood sameeyeen qaladaad dulmi ku ah xujeyda oo aan habooneyn.” ayuu yidhi, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta ee Soomaaliya, Cismaan Aadan Dhuubow oo Warbaahinta la hadlay, waxaanu intaa ku daray inay la xisaabtamayaan Shirkadahaasi, inkasta oo aanu shirkadaha Dadka daabula ee khaladaadka sameeyay Magacooda soo hadal-qaadin “Waanu la xisaabtameynaa.”

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay inay ahayd in Shirkadaha Dadka daabulaa ay Guryo ay degaan iyo Gaadiid qaada marka ay Makka gaadhaan inay u diyaariyaan “Waxay ahayd in shirkadaha u adeegaan xujeyda oo baabuurta u diyaariyaan iyo meelihii ay degi lahaayeen..”ayuu yidhi.

Xujayda Soomaalida ayaa dhibaato badan kala kulma Xajka, gaar ahaan Dadka ka taga deegaannada Soomaalida ee Geeska Afrika.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka