Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Oo Dhaliilay Culimada Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa Culimada Dalka ku dhaliilay inay ka gaabiyeen doorkoodii dhinaca wacyi-gelinta ku saabsan Colaadda ka taagan bariga Dalka, gaar ahaan deegaannada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag.

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlayaa wuxuu yidhi “Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu inaga qaado Colaadaha ka taagan bariga, waxaad mooddaa in Doorkii Wadaaddadu maqan yahay oo aan Diinta lagu dhaqmayn, Waayo? Dadka Wax laynaya ee wax dilaya Culimadaa u xil-saaran inay waaniso.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Sharraxaya Doorka Culimada ka gaabisay ayaa yidhi “Culmadaa u xil-saaran inay Dadka dhex marto oo ay u sheegto Ninka wax dila inuu Walaalkii dilay, isaguna uu dhimanayo oo uu Cadaabna tagayo. Marka la baro in Ninka dhinta aanu Tol iyo qabiil midna waxba u tarayn..”

Ugu dambayn, wuxuu Guddoomiyuhu Allaah ka baryey inuu Ciiddan ciiddeeda uu Dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan Shacabka Somaliland ku gaadhsiiyo Nabad iyo Barwaaqo.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka