Jabhado Doonaya Inay Yemen Kala Jaraan oo Qabsaday Cadan Iyo Wararkii U Dambeeyay

Yemen (HCTV) – Magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa waxa xoog kula wareegay Jabhado doonaya In Koonfurta Yemen ka gooyaan Yemen inteeda kale, lana siiyo Madax-banaani.

Jabhadaha Gooni u goosadka doonaya ayaa sheegay inay qabsadeen Madaxtooyada Magaalada Cadan ee looga Arrimiyo Dawladda Caalamku aqoonsan yahay ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdurabbi Hadi.

Waxa kale oo ay sheegeen inay qabsadeen Saldhigyo ay lahaayeen Ciidammada Dawladda la aqoonsan yahay ee Yemen isla-markaana uu Sucuudigu taageero.

Maleeshiyaadka qabsaday Cadan ayaa waxa taageerta Dawladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta oo sidoo kale Xulufo la ah Sucuudiga oo taageera Dawladda Madaxweyne Cabdurabbi Hadi.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Dawladda Yemen ee Caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegay in Imaaraadku ku guulaystay inuu qabsado Magaalada Dekedda leh ee ku taalla Koonfurta Yemen ee Cadan, Maalin ka dib markii Gooni u goosatada Koonfurtu ay la wareegeen dhammaan Xeryihii Ciidamada iyo Xaruntii Madaxtooyada, sida uu Maanta baahiyey Telefiishanka Al-jazeera oo HCTV soo xigtay.

Wasiika Arrimaha gudaha Yemen oo qoraal ku baahiyey Bartiisa Twitter-ka ayaa muujiyey in Cidda dagaalka Cadan guusha ka gaadhay aanay ahayn Jabhadaha reer Koonfureedka ah ee Gooni u goosadka doonaya, balse uu yahay Imaaraaadka oo kooxahaa taaageera “Waanu Hambalyeynaynaa guusha Imaaraaadka, laakiin kani ma noqon doono dagaalkayagii u dambeeyay…” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Yemen Ahmed al-Mayssari.

Wasiirku wuxuu ku canaantay Dawladda Yemen ee uu ka tirsan yahay ee Madaxweyne Abd-Rabbu Mansour Hadi iyo Xulafada Sucuudigu inay illaa hadda ka aamusan yihiin waxa ka dhacaya Magaalada Cadan.

Laakiin, Sucuudiga oo ka hadlay Dagaalka Jabhadaha Gooni u goosatada ahi u qabsadeen Cadan ayaa sheegay inuu sameeyay Faro-gelin isla-markaana uu meelo ay qabsadeen Jabhaduhu uu duqaymo ka geystay.

Jabhadaha la wareegay Magaalada Cadan ee doonaya in Koonfurta Yemen gooni uga go’do Yemen inteeda kale, ayaa sii murginaya Xaaladdii ay ku jirtay Yemen dhowrkii sanadood ee u dambeeyay.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka