Sheekh Aadan-Siiro Oo Eedaymo Culus U Jeediyey Madaxweyne Biixi & Xukuumaddiisa

Hargeysa (HCTV) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada Somaliland ayaa Madaxweyne Biixi iyo Qoyskiisa ku eedeeyay inay wadaan dhul boob iyagoo adeegsanaya Awoodda Dawladda.

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbad u jeediyey Dadweyne Salaaddii Ciidda ku tukaday Garoonka Kubadda Cagta ee Xaafadda Xawaadle ee Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa iyo arrimo kale ka hadlaya wuxuu yidhi “Waddanka waxa ka dhacay Dhul boob ay Xukuumaddu kow ka tahay, Maanta Buurta Kala-jeexan, 3 boqol oo Caa’iladood oo kii ku dhashay 30 jir yahay, 40 jir yahay, ayaa loo soo xukumay Madaxweynaha iyo Qoyskiisa oo la leeyahay halla dumiyo, wax la aqbali karayo maaha, war Dulmiga diida Maalinba Qof bay qabsanaysaaye.”

Sheekha wuxuu farriin u diray Madaxweynaha Somaliland “Madaxweynaha waxaanu leenahay in Walaalkaa loo soo xukumo 300 Guri oo dhisan oo Dad ehelkaaga ahi ku nool yihiin, caqli iyo Sharci ahaanba wax la aqbali karayo maaha..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu leenahay, Madaxweyne haddaanad ka Raalli ahayn jooji.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu Allaah ka cabsi ugu baaqay Bahda Garsoorka “Kuwa Maxkamadaha fadhiya waxaanu leenahay Waar Ilaahay ka yaaba oo Dadka u caddaalad fala..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Madaxda Dalku ay dhaqaalaha Waddanka isku koobeen “Sidaad ogtihiin Ummaddii way soo oodatay, Meheradahii oo dhan baa kacay, Dadkii dhibaato badan oo dhaqaale ayaa haysa, Xukuumadda Talada haysaa waxay keentay in dhaqaalihii xidhmo isla-markaana Dadku ay soo wada ootaan, markaa waxaanu leenahay Waar dhaqaalaha hala furfuro. Madaxweynaha waxaanu leenahay Xukuumaddii kaa horraysey saddex meelood bay dhaqaalaha u qaybin jirtay, laba meelood Ummadda ayay ku soo celin jirtay oo Wareeggeedu wuu badnaa, meelna iyagaa farsamaysan jiray, Madaxweyne waxa la leeyahay Saddexdiiba Adiga ayay kugu arooreen, wax la aqbali karayo maaha in Dadkuna soo ootaan.”

Sheekh Aadan-Siiro oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay oo kale “Miisaaniyaddu waa & 370 Million (Miisaaniyad-sanadeedka Somaliland), Askarigii 80 Dollar ayuu qaadanayaa, Mashaariic ma hayno, Dadkiina way soo wada ooteen, markaa waxaanu leenahay Waar Xukuumaddu Dhaqaalaha ha furfurto.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi “Madaxweynaha Maanta jooga ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu leenahay waar Talada qaybi, waar wixii tuhun keenaya ka fagoow..”

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka