Aas Iyo Baroor Diiq Loo Sameeyey 71 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Gaadhi Shidaal Siday Oo Ka Dhacay Tanzania

Dara-es-Salam, (HCTV) – Dalka Tanzania ayaa aas loogu sameeyey dad tiradoodu ka badan tahay 70 qof oo ku dhintay xili ay isku dayayeen inay dhurtaan Shidaal ka qubanayey Booyad Shidaal oo markii dambe uu qarax ka dhashay.

Qaraxan ayaa magaalada bariga ku taala ee Morogoro ka dhacay maalintii sabtidii, waxaana la arkayey daruuro qiim madow ah oo qariyey cirka, maydadkii dadkii dhintay iyo hadhaaga kuwii sida xun ugu gubtay ayaa milatariga dalkaasi oo ka qaybqaatay Aaskooda loo sameeyey Aas Wadareeed.

Madaxweyne John Magufuli ayaa maalintii Axadii ku dhawaaqay in dadkaasi dhintay loo sameeyo baroor diiq maalnta oo Isniin ah.

Waxaana Aaska dadkaasi loo sameeyey hogaaminayey Raysal Wasaare Kassim Majaliwa, kaas oo sheegay in 71 qof ay ku dhinteen halka 59 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen xili uu ka hadlayey munaasibad ka dhacday Kola, wax yar uun ka dib markii shilkaasi masiibada ahi uu ka dhacay magaalada 200km galbeedka kaga beegan Dar-es-Salaam

Aaska dadkan ku gubtay Gaadhiga Shidaalka siday eek u qarxay ayaa maydadkooda oo lagu soo riday Naxashyo Cadcad ay aaseen ciidamada Milatariga ee dalkaasi, waxaanay wararku intaa ku darayaan in dheecaanka hida sidaha ee DNA-da loo yaqaano laga qaaday maydadka dadkaasi si qaraabadooda iyo qoysaskoodu ay u aqoonsadaan oo ay ugu sabraan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.