Kalluumaysato Ajaaniib Ah Oo Lagu Haystay Xeebaha Puntland Oo Dalkoodii Dib Loogu Celiyey

Dubai, (HCTV) – Kalluumaysato ajaaniib ah oo lagu haystay biyaha bariga Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay dalkooda.

Dhamaan shaqaalahan Kalluumaysatada ah ayaa u dhalatay dalka Thailand ee qaaradda Aasiya, Kuwaas oo 14 kale oo ka mid ahaa shaqaalahaasi ku xanib-may xeebaha bariga Soomaaliya ee Maamul goboleedka Puntland gaar ahaan biyaha ku teedsan magaalada Boosaaso, waxaanay wakhti xaadirkan Kalluumaysatadaasi ay ku suganyihiin magaalada Dubai, kuwaas oo lagu wado inay iyaguna gaadhaan dalkooda marka ay ku soo biiraan 4 xubnood oo kale oo ay shaqo wadaag ahaayeen.

Raggan ayaa la sheegay inay la socdeen doon kalluumeysi oo magaceeda lagu sheegay Wadani 1, waxaana la xusay inay tacadi dhanka shaqada ah la kulmi jireen muddadii ay ku xanib-naayeen xeebaha ku dhow magaalada Boosaaso, sida uu ku warramay wargeyska  Bangkokpost.

Dib u celinta shaqaalahan kalluumaysi ayaa waxaa gacan ka geysatay Safaarada Thailand ay ku leedahay dalka Kenya oo xidhiidh la soo sameeyey maamul goboleedka Puntland, maaddama xeebaha ku teedsan magaalada Boosaaso lagu haystay.

Source: https://www.bangkokpost.com/thailand/general/1728519/thai-trawler-crew-arrive-in-bangkok-from-somalia

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.