Shan Qof Oo Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Ceel-Afweyn

HomeSomali News

Shan Qof Oo Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Ceel-Afweyn

Baarlamaanka Yurub Oo Sharci Ka Soo Saaray Warbaahinta Internet-ka
Xuutiyiinta Oo Weerarray Makkah, Daa’if Iyo Najran Oo Sucuudiga Ah
Afganistan: 50 Qof Oo Geeriyooday Iyo 40 Dhaawacmay (Akhri)
8 Xildhibaan Oo Baarlamaanka Puntland Xasaanada Kala Noqday
Wariyeyaal Ka Tirsan Telefishanka Eryal Oo Hargeysa Lagu Xidhay

Ceel-Afweyn, (HCTV) – Ugu Yaraan shan qof ayaa ku dhintay afar kalena dhaawac ayaa soo gaadhay kadib markii dablay beeleed hubaysani ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa magaalada Ceel-Afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Dadka dhintay ayaa kala ah saddex dumar ah iyo laba nin sida uu Telefishanka HCTV  u xaqiijiyey maayarka magaalada Ceel-Afweyn, Cabdirixiin Aw Yuusuf Axmed.

Ugu Horayna Maayarka oo weerarkaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxa dhintay saddex dumar ah iyo laba ragg ah, shantaa qof ayaa dhintay ilaa afar qofna waa dhaawac.

Ciidamadu meesha way soo dhexgaleen xabadiina way istaagtay, shuftadii weerarka soo qaadayna way ku daba joogaan.” Ayuu yidhi Maayarka magaalada Ceel-Afweyn oo khadka Telefoonka ugu waramay Telefishanka HCTV.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.  

COMMENTS