Al-shabaab Oo Weerar Culus ku Qaadday Saldhig Ciidammada Dawladdu Leeyihiin

Aw-dhiigle (HCTV) –  Kooxda Al-shabaab ayaa Maanta Weerar culus ku qaadday Saldhig ay Ciidammada Millateriga Soomaaliya ka samaysteen deegaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Warar kala duwan oo ka soo baxaya Weerarka ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-shabaab ay Saldhig Cusub oo Ciidammada Dawladdu ka samaysteen Aw-dheegle ay markii koowaad albaabkiisa la beegsadeen Gaadhi Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyey, daqiiqado ka dibna gaadhi kale uu Xerada ku dhex Qarxay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in markaa ka dib uu dagaal ka dhex bilaabmay Ciidamo Al-shabaab ah oo xerada gudaha u galay iyo Ciidammada Dawladda.

Illaa hadda lama oga Khasaaraha dhabta ah ee Ciidammada Dawladda ka soo gaadhay Weerarkan isugu jiray Qaraxyada iyo dagaalka tooska ah, balse Warbaahinta Al-shabaab taageerta ayaa sheegaya in dagaalkaa ku dhinteen illaa 50 Askari oo Ciidammada Dawladda ka mid ah, Tobanaan kalena dhaawacmeen, laakiin ma jirto Cid Madax-bannaan oo sheegashadaa xaqiijin kartaa.

Illaa hadda Taliska Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaan war ka soo saarin Weerarka lagu qaaday Saldhigga Ciidammada Dawladdu ka samaysteen Aw-dheegle, halkaasi oo ay dhawaan Ciidammadu sheegeen inay ka saareen Al-shabaab.

Horn Cable Tv kala soco Warkan wixii ku soo kordha iyo Faahfaahin dheeraad ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka