Diyaarad Siday 233 Rakaab Ah Oo Si Layaable U Cago Dhigatay Markii Shimbiro Ay Weerareen

Moscow, (HCTV) – Diyaarad nooca rakaabka qaada ah ayaa si cajiib ah u cago dhigatay meel u dhow Moscow markii ay wax yar uun ka duushay, kadib markii koox shimbiro ahi ay weerareen isla markaana ay mishiinka waxyeeleeyeen, sida ay ku waramayaan warbaahinta dalka Ruushku.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa The  Airbus A321 oo ay leedhaay shirkadda Ural Airlines ayaa siday 226 Rakaab ah iyo Todoba Shaqaalihii diyaarada, taas oo ka duushay Madaarka Moscow ee Zhukovsky airport waxaanay diyaaradani u sii jeeday Simferopol ee dalka Ruushka.

“Waxay si degdeg ah u cagodhigatay Zhukovsky. Shimbiraha ayaa ku dhacay labada mishiin ee diyaarada. Waxaana damay labada Mishiin, waxaanu shaqaalaha diyaaradu ay go’aan ku qaateen inay dajiyaan markii ay hal kilometer ay ka fogaadeen dhabaha diyaaraduhu ku cararaan.” Sidaasi waxa ku warantay wakaalada wararka ee TASS oo soo xigatay Agaasimaha guud ee diyaaradaha oo magaciisa la yidhaahdo Sergei Skuratov.

Wasiirka caafimaadka ee dalka Ruushka ayaa isaguna dhinciisa sheegay in 23 qof ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan sagaal caruur ah.

https://www.aljazeera.com/news/2019/08/russian-plane-miracle-emergency-landing-corn-field-190815071218596.html

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.