Israel Oo Xayiraad Saartay Ilhaan Omar Iyo Rashida Tlaib

Tell Vive, (HCTV) – Israel ayaa go’aansatay inay dalka Maraykanka ku hor joogsato labada hablood ee ka tirsan aqalka Congress-ka dalka Maraykanka ee Ilhaan Omar iyo Rashida Tlaib oo aanay dalkaasi galin, waxyar ka dib markii Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu sheegay “Inay diciifnimo weyn ay tahay” in loo ogolaado iyaga inay galaan.

Go’aankan oo maanta oo khamiis ah ay si dhakhso ah ay u cambaareeyeen by MIFTAH, oo ah koox Falastiiniyiin ah oo qorsheeyey inay martigaliyaan Xildhibaanadaasi dimuqraadiga ah oo qorsheeyey inay booqdaan todobaadkan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed iyo Qudus, “Waxay dhaawac ku tagay dadka Maraykanka iyo Wakiiladooda”  iyo “Weerar ka dhan ah xuquuqda dadka Falastiiniyiinta si ay u gaadhaan go’aan qaadasho iyo inay dad matala ku yeeshaan daafaha aduunka.”

Wasiirka Arimaha gudaha Israel, Aryeh Deri ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay kadib markii uu la tashaday Raysal Wasaarihihiisa Benjamin Netanyahu iyo Saraakiil sarsare oo Israeliyiin ah, inuu go’aansaday inaan loo ogolaan labada Xildhibaan ee Muslimka ah ee Ilhaan Omar iyo Rashida Tlaib inay dhulkaasi soo galaan sababtoo ah  “Talaabooyinka ka dhanka ah Israel”.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.