Maxkamad Xukuntay Dad Lacag Jacayl Darteed U Dilay Qof Ka Midab Duwan

Malawi (HCTV) – Maxkamad ku taalla Malawi ayaa xukun ku ridday laba Nin iyo Gabadh lagu eedeeyay inay dileen Qof ka mid ah Dadka Jidhkoodu caddaanka yahay ee loo yaqaanno Albiino, sida uu sheegay mid ka mid ah xukaamta Maxkamaddu Arbacadii Shalay.

Malawi ayaa illaa sannadkii 2014-kii waxa lagu arkay weerarro lagu qaadayo Dadka Albiinada loo yaqaan ee Midabka Jidhkoodu Caddaanka yahay, waxaana weerarradan qaadaya dad xubnaha jidhka Dadka Albiinada ah u isticmaalaya inay ku helaan Maal-qabeenimo iyo Nasiib-wanaagsan, taasi oo keenaysa inay xubnaha Jidhka Dadka noocaas ah googooyaan isla-markaana ula tagaan Sixirooleyaal, sida uu sheegay Wargeyska Daily Nation.

Maxkamadda ayaa dambiga ah inay dileen Qof Albiino ah ku heshay Saddex Qof oo Magacyadoodu kala yihiin, Douglas Mwale, Fontino Folosani iyo Sophie Jere.

Warka ayaa Qofka Albiinada ahaa ee Saddexdan Qof dileen Magaciisa ku sheegay Priscott Pepuzani, waxaanu dilkiisu dhacay sannadkii 2015-kii.

Saddexda Qof ayaa la sheegay in markii ay dileen Xubnihii ay qaateen mooyaane, intii kale ee Jidhka Qofkaasi ay ku aaseen meel beer ah, si ay u qariyaan.

“Saddexdoodaba waxa lagu helay dambi ah inay dil Geysteen, waxaana lagu xukumay Dil..” ayuu  AFP u sheegay Agness Patemba oo ah Afhayeen u hadlay Maxkamadda.

Xukunka Maxkamadda ayaa Salaasadii ka dhacay Tuulada Mchinji oo ku taalla Galbeedka Mawali.

Illaa sanadkii 2014-kii waxa Dalka Mawali ka dhacay 163 kiis oo ah weerarro iyo dilal loo geystay Dad Albiino ah, sida ay sheegtay Hay’adda Xuquuqda aadamaha u dooda ee Amnesty International

Madaxweynaha Dalka Malawi Peter Mutharika, ayaa dhawaan Magacaabay Komiishan qaabilsan baadhitaannada Weerarrada ka dhanka ah Dadka Albiinnada ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka