Saylici Oo Kormeer Kedis Ah Ku soo Maray Hay’adaha Dawladda Qaarkood

Hargeysa (HCTV) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Subaxdii hore ee Saaka kor ku soo maray meelo ka mid ah xarumaha Dawladda ee Magaalada Hargeysa.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo u qornaa sidan “Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hiirtii hore ee saaka kormeer shaqo ku soo maray qaar ka mid ah xarumaha wasaaradaha qaranka iyo hay’adaha madaxa bannaan ee dawladda, waxaana uu u kuurgalay hannaanka ay shaqadu ugu socoto xarumahaas.

Kormeerkan kediska ah ee uu ku simaha madaxweynuhu kusoo maray qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha kala duwan ee qaranka iyo hay’adaha madaxa bannaan oo ujeeddadiisu ahayd inuu u kuurgalo hannaanka shaqo ee ay xarumahaasi ugu adeegaan shacabka, ayuu ku soo  daraaseeyey habka ay shaqadu u socoto, isaga oo  masuuliyiinta kala duwan ee xarumahaasna ka dhegaystay warbiximo la xidhiidha hannaanka shaqada.

Dhammaanba xafiisyada kala duwan ee  xarumaha  uu madaxweyne-ku-xigeenku booqday, ayuu mid mid u galay, waxaana uu madaxda kala hooseeya ee xafiisyadaas ku qoran uu ka dhegaystay shaqooyinka ay goobahaas ku qabtaan iyo muhiimadda ay leeyihiin,  agabka yaalla iyo shaqaalaha ka hawlgala.

Masuuliyiinta kala duwan ee xarumaha uu madaxweyne-ku-xigeenku kormeeray oo diyaar ku ahaa goobahooda shaqo, ayaa halkaas ku soo dhaweeyey madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubno katirsan madaxtooyada oo wehelinayey, waxaana kormeerkaasi markii uu soo dhammaaday  warbaahinta uga warbixiyey Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana hadalladiisii kamid ahaa, “Kormeerkan kediska ahi waxa uu ku saabsanaa inuu u kuurgalo shaqooyinka ka socda wasaaradaha iyo adeegga ay bulshada siinayaan hawl-wadeennada wasaaradahaas ku sugnaa, arrintanina waxa ay muujinaysaa sida hagar la’aanta ah ee  xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne-ku-xigeen Cabdiraxmaan Saylici ay qarankooda ugu hagar baxayaan, dadkan iyo dalkan ay masuulka ka yihiinna loo fidiyo horumarka iyo ballan-qaadyadii xisbiga KULMIYE.”

Xarumaha wasaaradaha uu madaxweynuhu tegay, ayaa waxa kamid ahaa Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, horumarinta caafimaadka, Waxbarashada iyo Sayniska, Warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka iyada oo xarunta wargeyska DAWAN oo kamid ah waaxyaha ay leedahay wasaaradda Warfaafinta iyo  xarunta  madbacadda qaranka oo ah hay’ad madax bannaanna uu madaxweyne-ku-xigeenku soo kormeeray iyo Boosaha, isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda oo u sharxay madaxweyne ku xigeenka qalab loogu talo galay la Socodka Dhaq-dhaqaaqa Shirkadaha Isgaadhsiinta,  qalabkaas oo ka kooban server-ada iyo system-yada xogta lagu  maamulayo oo lagu kaydinayo Waxa dhamaaday wajigii koobaad oo ah rakibidda waxana lagu jira wajiga labaad oo ah ka shaqaysiinta system-ka. Markii kormeerkaasi soo dhamaadayna waxa warbaahinta la hadlay oo faahfaahin ka siiyey ujeedka kormeerka Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka