17 Bad-maaxeyaal U kala Dhashay Ruushka, Ukrain & Chine Oo La Afduubay

Camaron (HCTV) – Sagaal Shiinaha u dhashay iyo 8 u dhashay Dalka Ukrain ayaa laga afduubay, ka dib markii Biyaha badda Dalka Cameron lagu weerrarray Laba Maraakiibta Ganacsiga ah.

Afduubkan ayaa dhacay Khamiistii toddobaadkii la soo dhaafay “17 Bad-maaxeyaal Shiine iyo Ukrain u kala dhashay ayaa la Afduubay (kuwaasi) oo 9 ka mid ahi ahaayeen Shiine lagana afduubay hal Markab..” ayuu AFP u sheegay mid ka mid ah Masuuliyiinta Dekedda Douala.

Jinsiyadaha Dadka la afduubay ayaa waxa AFP u xaqiijiyey Saraakiisha Amaanka ee Cameron.

Xog la helay ayaa sheegaysa in Ciidammada Badda ee Cameron ay bilaabeen hawl-gallo ay ku baadi-doonayaan Dadka Afduubka geystay.

Inkasta Wakaaladda Wararka ee AFP sheegayso in Dadka la afduubay u kala dhasheen Dalalka Ukrain iyo Shiinaha, haddana Wakaaladda Wararka ee Ruushka oo soo xiganaysa Wasaaradda Arrimaha dibedda dalkaasi ayaa sheegtay in Dadka la afduubay saddex ka mid ahi u dhasheen Ruushka.

Wakaaladda Wararka ee TASS ayaa Jimcihii sheegtay in diblumaasiyiinta Ruushku ay Dawladda Cameron kala shaqaynayaan sidii loo soodayn lahaa la haystayaasha, inkasta oo aanay weli caddayn Cidda Afduubkan geysatay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka