Booliska Isreal Oo Toogasho Ku Dilay Dirawal Falastiini Ah

Falastiin (HCTV) – Ciidammada Booliska ee Isreal ayaa toogasho ku dilay Dirawal reer Falastiin ah, ka dib markii uu jiidhay laba Qof oo Shacabka Yuhuudda ah.

Booliska Isreal ayaa sheegay in Dirawalka ay toogteen uu ku weerarray Gaadhiga labada Qof ee uu jiidhay, kuwaasi oo dhaawac soo gaadhay.

Labada Qof oo Gaadhigu ku jiidhay Daanta galbeed ee Isreal haysato ayaa midkood Xaaladdiisu culus tahay.

Afhayeen u hadlay Booliska Isreal ayaa sheegay in Askari ku dhawaa uu Rasaas ku furay, ka dib markii Dirawalka Falastiiniga ahi uu si ula kac ah uu Gaadhiga u jiidhsiiyey Dad Jidka dhiniciisa marayey, dhulka Yuhuudda lagu deegaamayey ee of Elazar, taasi oo ku dhow Bethlehem.

Labada Qof ee Isrealiyiinta ah ee gaadhigu jiidhay ayaa midkood oo da’diisu tahay 17 jir uu dareenku ka guuray, halka Qofka kale oo da’diisu tahay 19 Jir Xaaladdiisu aanay wanaagsanayn.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka