Dagaal Culus Oo Al-Shabaab Iyo Dawladda Somalia Ku Dhexmaraya Baydhabo

HomeSomali News

Dagaal Culus Oo Al-Shabaab Iyo Dawladda Somalia Ku Dhexmaraya Baydhabo

Boosaaso: Ilaaladii Guddoomiyaha Gobolka Bari Oo Qarax Lagu Dhaawacay
Afhayeenka WADDANI Oo Shaaciyey Inuu Musharrax U yahay Doorashada Wakiillada
Gudoomiyaha Garisa oo Beeniyay in La Xidhay
London : C/kariin Ahmed Mooge oo Si Heersare ah Loo soo dhaweeyey
Madaxii Hore Ee Sirdoonka Ethiopia Iyo 25 Sarkaal Oo Dacwad Lagu Soo Oogay

Baydhabo, (HCTV) – Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal culusi uu saaka ku dhexmaray Maleeshiyada Al-shabaab iyo Ciidamada dawladda Somalia deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Baydhabo, halkaasoo saldhig ay ku leeyihiin ciidamo ka tirsan militari Soomaaliya.

Dagaal ayaa yimid kaddib markii Al-shabaab  ay weerar dhowr jiho ku qaaday deegaankaas, iyadoo labada dhinac uu  dhex maray dagaal muddo socday oo la isu adeegsaday hubka nooc-yadiisa  kala duwan.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ku qaaday deegaankaas, iyadoo labada dhinac uu dhex maray dagaal muddo socday oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay Al-Shabaab ay muddo kooban la wareegeen  deegaanka, halka warar kalena ay sheegayaan in dib looga saaray  deegaanka.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraray saldhiga ciidamada ku leeyihiin deegaanka Daynuunay, waxaana deegaankan muddooyinkii u dambeeyay uu marti u ahaa weerarada Al-Shabaab ku qaadayeen.

Deegaanka  Daynuunaay ayaa ah deegaan muhiim u ah ammaanka magaalada Baydhabo, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada xoogga dalka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS