Mooshin Lagu Dalbanayey In Xubno Cusub Lagu Daro Komiishanka Oo Buray

Hargeysa (HCTV) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa laalay Mooshin lagu dalbanayey in Wax ka beddel lagu sameeyo Xeerka Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Goleyaasha deegaanka, xeerkaasi oo sababta wax looga beddelayey ahayd in 2 xubnood oo cusub lagu daro komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo hadda tiradoodu tahay 7 Xubnood.

La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada Somaliland, Mustafe Maxamed Xaaji Daahir oo hore loogu gudbiyey inuu eego in Mooshinkani Xeer-hoosaadka Golaha waafaqsan yahay, ayaa Maanta sheegay inaanu Mooshinkaasi waafaqsanayn Xeer-hoosaadka Golaha, sidaasi darteedna uu jabay oo uu Sharci-darro yahay.

La-taliyaha Sharciga oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Markii Mooshinku ka gudbay Hab-raaci koowaad, waxa isla fadhigaa loo gudbiyey la Taliyaha Sharciga si uu u hubiyo in mooshinku waafaqsan yahay Xeer-hoosaadka iyo Dastuurka.”

La-taliyaha Sharcigu waxa kale oo uu sheegay “Markaan Arkay in Mooshinkani uu ka gudbay Hab-raaci koowaad ee uu dhigayey Xeer-hoosaadka Golaha qodobkiisa 42-aad, markaan tixgeliyey waajibaadka Dastuuriga ah ee Golaha ka saaran ku dhaqanka Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha, markaan dhuuxay in nuxurka Mooshinkan ay Mudaneyaashu soo gudbiyeen sida ka muuqata Qoraalka Codsiga Mooshinka uu daarran yahay oo keliya in wax ka beddel lagu sameeyo Xeerka doorashooyinka Madaxweynaha iyo Goleyaasha deegaanka, Xeer Lr 20/2001, qodobkiisa 11-aad Faraciisa A iyo B oo ay soo jeediyeen Guddiga doorashooyinka oo ka kooban 7 Xubnood in laga dhigo 9 Xubnood oo kala noqonaya Guddoomiye iyo 8 Xubnood, markaan si mug iyo miisaanle u darsey ugana baaraan degay soo jeedinta Mooshinka Xildhibaannada oo ku saabsanaa sidaa sare ka muuqata in Qodob ka mid ah Xeer Lr. 20/2001 wax ka beddel lagu sameeyo, iyadoo Goluhu uu Kalfadhigan 40-aad ee lagu guda jiro uu ka dooday kuna ansixiyey Ajandaha kal-fadhiga in la guda-galo.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Anigoo ka duulaya qodobka 43-aad, Farqaddiisa 2-aad ee xeer-hoosaadka oo Mabnuucaya inaan la furi karin ama la gudo-geli karin Mooshin arrinta uu khuseeyo uu Goluhu hore uga dooday, waxaanu qodobkaasi u dhigan yahay ‘Lama furin karo Mooshin haddii arrinta uu ka hadlayo ama uu khuseeyo Mooshinku uu Goluhu kaga dooday isla kal-fadhigaasi, sidaas ayaanu Mooshinkaasi ku jabay, mana waafaqsana Xeer-hoosaadka..”

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka