Akhri: Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Booqasho Ku Tagay Suudaan

Suudaan (HCTV) – Wefti uu hoggaaminayo Raysal-wasaaaraha Dawladda Federaalka Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa booqasho ku tagay waddanka Suudaan.

Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo Weftiga la socda ayaa ka qayb-galaya xafladda ay mucaaradka iyo golaha ku meel gaadhka ah ee ciidamada Millateriga Suudaan ku kala saxeexanayaan heshiiskii ugu dambeeyey oo ay xukuumad isku dhaf ah ku soo dhisayaan.

Waxaa xusid mudan in ka dib markii ay dawladda itoobiya iyo Midowga Afrika dedaal nabadeed oo xooggan galiyeen xaaladda Suudaan ay xooggaga mucaaradka iyo golaha ku meel gaadhka ah ee ciidamada suudaan  kala sexeexdeen heshiiska lagu samaynayo dastuur qabyo ah oo dawlad isku dhaf ah isla-markaana ku meel gaadhka lagu aas-aasayo.

Xafladda ay mucaaradka iyo Golaha ku meel gaadhka ah  ciidamadu Heshiiska ku gaadhayaan ayaa la filayaa in Raysal-wasaare ku meel gaadh ah loogu doorto Cabdalla Xamdikiin oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay Qaramada Midoobay, marna ahaan jiray Xoghayaha ee komishinka dhaqalaaha midowga Afrika.

Cabdalla Xamdikiin ayaa Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suudaan wuxuu u Magacaabay Wasiirka Maaliyadda, laakiin Xilligaa wuu diiday xilkaasi.

Hadda ayaa la filayaa in sababta loogu soo xulay Xilka Raysal-wasaaraha Suudaan ay tahay in la doonayo inuu wax ka qabto dhaqaalaha Suudaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka